Damiir laawayaasha dowlad goboleedyada iyo damaca Imaaraadka. Maxaa ka dhacay Abu Dhabi?

img_6004Xog: Damiir laawayaasha dowlad goboleedyada iyo damaca Imaaraadka. Maxaa ka dhacay Abu Dhabi?

October 31, 2016


Abu Dhabi (Real Clear Politics) – Waxaa maalmahii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Abu Dhabi ee isu tagga imaaaraadka carabta madaxda dowlad goboleedyada JFS, halkaasoo looga arrinsanayay doorashada la filayo in ay dhawaan ka dhacdo magaalada Muqdisho iyo sidii ay saameyn weyn ugu yeelan lahaayeen dowladda Imaaraadka iyo Kenya.

Shirkan oo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka socda dalka Kenya ayaa waxaa uu ujeedka ugu weyn ahaa sidii Soomaaliya ay u heli lahayd hoggaan cusub.

Dowladda Kenya ayaa iyadu wadda in hoggaanka dalka lagu taageero musharax ay wataan ee R/W Cumar Cabdirashiid, si ay mar uun u joojiyaan dacwada badda ee kala dhexeysa Soomaaliya.

Fekerkan ayaa markii hore waxaa taageersanaa Imaaraadka oo ku leh saami ka badan 40% shirkadda (ENE) ee qandaraaska lagu siiyay ee baareysa shidaalka halka laysku haysto ee badda Soomaaliya.

Haddaba go’aanada iyo qodobada shirka lagu lafa guray ayaa waxaa ka mid ahaa

1) Furitaankii Shirka ka socda Abu Dhabi Ayaa Waxaa khudbad lala yaabo ka jeediyay Cabbdikarin Guuleed, madaxweynaha maamul hoboleedka Galmudug, Waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “Somaliya xiligan Kala guurka ah waxa ay u baahan tahay in ay hesho hogaan cusub oo Ka duwan Kan Hadda jira” isaga oo hadalkiisa sii wato ayuu ku daray “Soomaaliya Horay uma sii Socon karto Hadii Aan la helin hogaan Hanan Kara dalka waxaana muuqata in hogaanka Hadda jira fashilmay”. Arintaan ayaa waxa ay muujinaysaa in Cabdikarim Iyo Xasan Sheekh ay u Kala dhamaatay. Waxa kale arintaan loo fasirtay in Cabdikarim go’aan gaaray in uusan Xasan la dhiman siyaasad ahaan. Cabdikariin Guuleed ayaa ka bixitaanka Xasan Sheekh looga bixinaayo siyaasadda uu ku badashay lacag sida ay sheegeen Caasimada Online u sheegeen goob joogayaal, si uu baahida Galmudug u xaliyo.

2) Shirka go’aanka ugu muhimsan ee Ka soo baxay waxa uu ahaa in la isku waafaqay in Xasan Sheekh si wada jir ah loo ceyriyo islamarkaana uusan siyaasadda Soomaliya dib ugu soo noqon. Go’aankaan ayaa ah mid ay isku wada waafaqeen dhamaan madaxa maamul-goboleedyadda iyada oo aan loo kala harin, waxaa go’aanka qayb Ka ahaa dhamaan maamul goboleedyadda oo ay ku jirto hirshabelle Iyo Galmudug!

3) Dowladda kenya oo Shirka joogtay ayaa waxaa aya soo dirtay wafdi balaaran oo ka qayb qadanayo shirka waxaana ay talo ku soo jeediyeen in Cumar cabdiraashid la tageero. Arintaan Oo daba socoto dacwadii Badda oo ay dowladda Kenya rabto in uu Cumar u sii xalaaleeyo. Tani Ayaa Caro dhalisay! Waxaana kenya loo sheegay in talada noocaan ah ay sii kordhinayso dareenka xun oo soomalida ka qabto Kenya. Iyo in Aan qaranimadda Soomaliya la iibsan karin! Cumar Ayaa u muuqda in uu isticmaalayo kaarka qabiilka Daarood. Asaga Oo ku dagaalamaya in xiligaan yahay xiligii Daarood la dooran lahaa. Masuuliyiinta Dowladda Imaaraadka ayaa arrinta si buuxda uga hor yimid iyagoo sheegay in dadka reer Muqdisho aanan laysugu dari karin in laga qadiyo aqalka sare, iyo in ay bannaan joog ka ahaadaan masiirka siyaasadda iyo kursiga madaxweynaha. Tan ayeey ku macneeyeen in ay keeni doonto dagaallo sokeeye iyo in Shabaab ay ku xogeeystaan gobolada Shabeelooyinka iyo Banaadir.

4) Doowladda imaaraadka ayaa go’aansaday in ay tageerto labo musharax oo ay u arkayaan in Soomaliya wax ku soo kordhinayaan. Mana Sheegin magacyada labada musharax.

Dowladda Imaaraadka ayaa ku wargelisay in Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo R/W hore Saacid ay dalkooda uga guuraan ka hor dhammaadka bisha Diseembar ee sanadaka 2016. Falkaan ayaa waxaa lagu micneeyay in Imaaraadka aanay taageereyn Shariif Sheekh Axmed maadaama ay badatay hadalada leysla dhexmaraayo ee ah in uu taageero ka haysto dowladda Imaaraadka.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa u arka in dowladda Imaaraadka Carabta ay hadda ka mid noqotay wadamada ay shacabka Soomaaliyeed aaminsan yihiin in ay qeyb ka yihiin burburka qaranimada Soomaaliyeed, taasoo keeni karta in falal amni daro ay ka dhacaan gudaha dalka Imaaraadka Carabta.

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo shacabka Soomaaliyeed aaminsan yihiin in ay qeyb ka yihiin burburkooda ayaa waxaa ay bar tilmaameed iyo qaraxyo joogta ah ay kala kulmaan kooxaha nabadiidka ah ee Shabaab.

Leave a comment